Ciidamada Nabadsugidda ee NISA ayaa shaaciyay in howlgal ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho ay klu soo qabteen xubin ka tirsan Daacishta Soomaaliya.
Farriin ay faafisay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka uu dhacay 24-kii bishan May, waxayna farriintu u qorneyd: “Howlgal 24-ka bishaan ciidamada amnigu ka fuliyey degmada Hawlwadaag ee magalada Mogadisho ayaa laguso qabtay dhagarqabe katirsan ISIS, Ciidanka amnigu wuxuu siiwadi doonaa hawlgalada ka dhanka ah xubnaha argagixisada AS iyo ISIS, kuwaas oo ku hawlan dhibateynta shacabka”.
Lama faahfaahin qofka la qabtay magaciisa iyo darajadiisa, sidoo kalena lama soo bandhiginin muuqaalkiisa, wuxuuna howlgalkan ka mid yahay kuwo fara badanoo NISA ayaa horay u shaacisay iyadoo aan faahfaahin laga bixiin.