Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Booliska ay gudaha u galeen xarun idaacadeed oo ku taalla magaalada Boosaaso, iyagoo wata gaadiidka dagaalka.
Ciidamada ayaa la sheegay inuu hoggaaminayey taliye ku-xigeenka Booliska gobolka Bari C/rashiid Aamusane, waxayna gudaha u galeen xarunta warbaahinta Daljir ee magaalada Boosaaso, iyagoo amar ku bixiyey in hawada laga saaro idaacaddaasi, kadib warbixin idaacadda ay sii deysay oo ku saabsanaa tacadiyo ay geysteen ciidamada Booliska.
Idaacadda Radio Daljir ayaa dhowaan baahisay tacadiyo isugu jira jirdil, xabsi iyo hanti lagala wareegay maxaabiis aan wax xukun ah lagu ridin, arrintaasi oo la sheegay inuu ka carooday taliyaha Booliska Puntland Gen. Muxyadiin Axmed Muuse.
Maamulka Idaacadda Radio Daljir ayaa sheegay in arrintan ay tahay weerarkii afaraad ee ciidamada Booliska ku qaadaan xarumaha Radio Daljir ee Garoowe iyo Boosaaso maalmihii ee lasoo dhaafay. ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Amaanka Boosaaso.