Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Yurub, Mareykaka iyo Q/Midoobay ayaa ku howlan dhismaha ciidamo Qaran oo Soomaaliya ay yeelato iyadoo la isku dhafayo ciidamo ka imaanaya degaanada kala duwan ee dalka.
Qorshaha lagu dhisayo ciidamo qaran oo in muddo ah soo jiitamayay ayaa hadda bilowgiisii la dareemay iyadoo Guddi isku dhaf ah oo dhicyadaas ka kooban ay ka shaqeynayaan sidii loo bilaabi lahaa ciidankaasi. Ciidamada Qaran ee loo dhisayo Soomaaliya ayaa tiradooda lagu sheegay 10,800 askari.
Puntland ayaa la sheegay inay ka imaanayaan 3000 askari, Jubba ayaa sidoo kale la sheegay inay tiro intaas la eg la siiyay iyadoo dhowaan madaxweyne Xasan Sheekh tababar uga furmay Kismaayo 1400 askari oo loo tababarayo inay ka mid noqdaan ciidamadaas Qaran.
Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa sheegay in qoondada ciidamada la isku dhafayo ay hoos tegi doanaan guddi gaar ah, balse dowladda Federaalka ay dusha ka xukumi doonto.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]