Cabsi xoog leh oo ka dhalatay qabsashada Ciidamada Ruushka ee Xarunta Niyukliyeerka Chernobyl
Ciidamada Ruushka ayaa la qabsadya xarunta tamarta Nukliyeerka ee Chernobyl oo ku taallada duleedka caasimadda dalka Ukraine ee Kiyev, kadib dagaal oo dhex maray ciidamada Ukraine.
Madaxweynaha Ukraine iyo Wasaaradda arrimaha dibadda dalkaasi ayaa xaqiijiyey inay ciidamada Ruushka qabsadeen xarunta lagu keydiyo Nukliyeerka, taasoo dhalisay cabsi laga qabo Amniga xaruntaasi oo haddii waxyeello gaarto ama shucaac ay Yurub wajihi doonto xaalad adag.
Xarunta Chernobyl ayaa sanadkii 1986 waxaa ka dhacay shil sababay inay ka fakato sunta ‘RadioActive’ oo halis ku ah caafimaadka noolaha, taasoo gaari karta Qaaradda Yurub qeybo badan oo ka mida.
Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujiyey taangiyada Ruushka iyo baabuurta gaashaaman oo hor taagan xarunta haliska ah e Niyukliyerka, kaasoo 60 mayl u jirta waqooyiga caasimadda Kiev.
Dhinaca kale, maamulka caasimadda Kiev ayaa ku amray dadka rayidka ah inay galaan Godadka guryaha hoostooda, waxaana laguu dhawaaqday bandow iyadoo laga cabsi qabo in ciidamada Ruushka weerar uu ku qaadaan aasimadda Ukraine.
Ciidamada Cirka ee Dallaayadaha ku booda ayaa goor hore o omaana ah la wareegay gacan ku haynta garoonka muhiimka ah ee 25 M u jira caasimadda Kiev, waxayna ku weerarreen ku dhawaad 20 diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah, kuwaas oo afar ka mid ah loo malaynayo in la toogtay.
Ciidamdaa Ruushka ayaa weerarro iyo duqeyn ka fuliyey ku dhawaad gobol kasta oo ka mida dalka Ukraine, sida saldhigyada ciidamada, garoomada diyaaradaha, magaalooyinka iyo dekedaha Kharkiv ilaa Kiev, Donetsk ilaa Odessa.
Kadib amar uu Madaxweynaha Ruushku Vladimir Putin ku bixiyey in la weerarro Ukraine 5-tii aroornimo ee xilliga dalkaasi, wuxuu weerarku ku bilowday gantaallo ka badan 100 gantaalaha oo isugu jira kuwa riddada gaaban iyo riddada dhexe ah, gantaallada cruise-ka iyo gantaallada hawada ilaa hawada oo lagu duqeeyay 75 goobood iyo xarun.



