Wararka laga hgelayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay saakay la wareegeen degaanada Jacar iyo Deri oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.
Dadka degaanka ayaa ku soo warramaya in ciidamada wada socda ay dagaal la galeen maleeshiyo ka trisan Alshabaab oo ku sugnaa labadaasu tuulo intii aanay kadib isaga bixin, Jacar iyo Deri waxay 40 KM dhanka Koofur kaga beegan yihiin Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud.
Qasaaraha dagaalka ayaan wax faahfaahin laga bixin, waxaana qasaaruhu soo gaaray labada ciidan ee dagaalamay, markii ay ka barakaceen dadkii rayidka ahaa.
Degaanadan waxaa muddo badan maamulayay kooxda Al-shabaab.
Wadani.com