Wararka laga helayo magaalada Boorame ee Gobolka Awdal ayaa sheegaya in ciidamada Booliska Somaliland ay gudaha Jaamcadda Camuud ku toogteen Arday kasoo jeeda K/Soomaaliya.
Ardayga oo ka mid ahaa ardayda dhigata jaacadda Camuud ayaa wararku sheegayaan inuu muran dhex maray ciidamada Booliska, isagoo ku lebisnaa dharkaleh midabka calanka Soomaaliya ee jimicsiga. taasoo markii danbe la beeniyey.
Wiilka dhalinyarada ahaa ee ciidamada Booliska ku toogteen Jaamacada Camuud ee magaalada Boorama ayaa maydkiisa la dhigay Isbitaalka dowlada ee magaalada Boorama, waxaa halkaasi isugu tegay dad fara badan oo falkan ka naxsan.
Wararka ayaa sheegaya in inuu ardaygan Jimicsi u tegay Dooxada Camuud, isagoo ku labisnaa dharka sports-ka calanka Soomaaliya, Askarta Somaliland ee Dooxadaasi ku sugnaa ayaa muran soo kala dhex galay, kadibna waxaa toogtay askari Boolis ah.
Wararkii ugu dambeeyay halkan ka akhriso
