Ciidamada Somaliland ayaa la sheegay inay la wareegeen degaanka Tuke-raq ee Gobolka Sool, halkaasoo fariisin u ahaa ciidamada maamulka Puntland.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Somaliland ay degaankaas ku sugan yihiin iminka, iyadoo xiisad colaadeed ka taagan tahay.
Degaanka Tuke-raq ee Gobolka Sool ayaa ahaa goob bar Koontarool u ah ciidamada Puntland oo ay ku qaadeen jireen canshuurta gaadiidka isaga gooshta degaanadaasi, wuxuuna magaalada Garowe u jiraa masaafo dhan 70-km.
Ma cadda qaabka Ciidamada Somaliland u qabsadeen degaanka Tuke-raq, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in labada dhinac ay ciidamo ku daabulayaan aagaasi.
Wadani.com