Howlgal ballaaran oo Ciidamada Xasilinta amaanka  Muqdisho ee isku dhafka ah xalay ka fuliyeen Degmada Wadajir ayaa lagu qabtay boqolaal qof.
Howlgalkan oo ahaa kii ugu weynaa oociidamadan ay ka sameyeen Mudisho ayaa laga fuliyay xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho oo dhowaan iska hor imaad ciidamadaasi kula galeen ciidamo hubeysan.
Waxaa inta abdan howlgalka laga fuliyay Xaafada Silig ee degmada Wadajir oo dhowr jeer falal dilal qorsheysan ah ka dhaceen, iyadoo dadka degaanka ay sheegeen in lagu xiray dad boqolaal ruux ah oo ku dhow 400 oo Ruux.
Inta badan dadkii la qabqabtay ayaa la sheegay in la sii daayay, balse qaar laga shakiyay baaritaan lagu wado, waxaana saraakiisha dowladda laga soo xigtay in howlgalka lagu soo qabtay sarkaal Alshabaab ka tirsan.