Ciidamada Xasilinta Magaalada Muqdisho ayaa howlgal xoog leh ku sameeyay Degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.
Xaafadaha degmada Deyniile, gaar ahaan xaafadda Oodweyne ayuu baaritaanku ka dhacay waxaana lagu soo qabtay dhalinyaro badan oo oo guryaha loogu dhacay.
Ciidamada xasilinta ayaa baaritaan kula dhaqaaqay Gaadiidka iyo Guryaha, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in dhalinyaro badan indhaha laga xiray, halka qaarkood la sii daayay, kuwo kalena ay wateen ciidamada.
Baaritaanka ayaa daba joogay iyadoo xafadaha degmada Deyniile la sheego in dhowr jeer madaafiic laga soo riday.