Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in howlgal xoog leh uu ka socday magaalada.
Ciidamada xasilinta ayaa la sheegay inay xiteen xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, waxaana xaafadaha ciidamadu galeen ka mida xaafadda Fagax iyo Jungal.
Ciidamada xasilinta ahaa ayaa baaraya gaadiidka iyo dadka, iyagoo gelaya xaafadaha iyo goobaha ganacsiga, waxayna dadka degaanka sheegeen in ciidamada ay xireen dhalinyaro lagu qabtay howlgalka.
Xaafadda Fagax ayaa dhowaan waxaa ka dhacay falal qorsheysan oo lagu khaarijiyay ciidamo iyo dad rayid ah.