Wararka lagha helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in howlgal iyo fal dil ah ka dhaceen magaalada.
Ciidamda xasilina magaalada ayaa howlgal ay maanta ka fuliyeen Degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho la sheegay ku soo qabtay hub iyo raggii watay.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ragga hubka watay oo laga shakiyay, isla markaana iyaga iyo hubkooda ay kaxeysteen ciidamada howlgalka ammaanka Muqdisho ee isku dhafka ah.
Dhinaca kale askari ka tirsan ciidamada ilaalada degaanka ayaa lagu dilay suuqa labaad ee magaalada ugu weyn ee Suuq Bacaad.
Koox hubeysan ayaa dilkan geysatay ayaa goobta ka baxsatay, wuxuuna askarigaan ka tirsanaa ciidamada Canshuurta qaada ee minashiibiyada.
Wadani