Wararka laga halayo Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in weerar qorsheysan oo ciidamada xoogga dalka ay ku qaadeen maleeshiyo ka tirsan Alshabaab.
Howlgalka oo ka dhacay degaano ka tirsan degmada Kuntunwaarey ayaa la sheegay in lagu dilay 10 ka mida Alshabaab, iyadoo lagu qabtay 26 kale oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan Alsahbaab, sida laga helay saraakiisha ciidamada Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in weerarka oo ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee Alshabaab loo geysto ay ciidamada Soomaaliya gacan ka siiyeen ciidamada gaarka ah ee Mareykanka, iyadoo maxaabiista Alshabaab ay la wareegeen saraakiil Mareykan ah.
Degaano ka tirsan Gobolka Sh/hoose ayaa waxaa ka socda diyaargarow dagaal, iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya ay weli tegayaan gobolkaasi oo la filayo inuu ka bilowdo dagaal culus dhowaan.