Ciidamada dowladdai yo kuwa Degaanka ee fadhigoodu ahaa degmada Cadalle ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa qaaday weerarkii ugu horeeyay maanta, iyagoo dagaal la galay maleeshiyada Alshabaab.
Ciidamada ayaa maanta Duhurnimadi dagaal la’aan qabsaday degaano u dhowa Masaajid Cali Gaduud oo dhowaan Alshabaab ay kusoo bandhgeen maleeshiyo taageersan, balse wax ka yar ayaa dagaal ka qarxay duleedka degaankaasi.
Maleesjiyada Alshabaab ayaa la sheegay inay isku urursadeen agagaarka xarunta Degaanka, waxaana halkaasi ka dhacay weerar toos ah, iyadoo kadibna diyaaradaha Drone-ka ay ka qeyb qaateen, kuwaas oo duqeeyay maleeshiyada Alshabaab.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dagaalka ka dhacay duleedka Masaajid Cali Gaduud uu qasaare xoog leh ku gaaray Alshabaab, lagana dilay tiro maleesiyo ah.
Waa weerarkii ugu weynaa ee ciidamada Aagga Cadalle qaadaan, waxayna qarka u saaran yihiin inay qabsadaan Degaanka Masaajid Cali-Gaduud ka dhigan tahay jug kale oo Alshabaab soo gaartay.
Faahfaahin dagaalka ayaa weli soo baxeysa, iyadoo isgaarsiinta degaankaasi ay jareen Alshabaab, ayna adag tahay in si toos ah loola xiriiro.
