Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamadii taabacsanaa Ahlu suna ee shalay dagaalka la galay ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka ay u jiheysteen dhinaca Guriceel oo ay goor dhoweyd gudaha u galeen.
Ciidamada Ahlu suna oo shalay laba jeer dagaal la gala ciidamada Galmudug ayaa dib ula wareegay degaanka Bohol ee duleedka magaalada Dhuusamareeb, waxayna soo bandhigeen saddex gaadiid oo ay ka qabsadeen ciidamada Galmudug oo isugu jira Beebe, Gaari Cabdi Bille ah iyo Booyad.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu suna oo ka cabsi qabay dagaal xoog leh oo uga soo wajahan dhinaca ciidamada Galmudug ay u ruuqaansadeen dhinaca Guriceel oo la sheegay inay taageerada ugu badan ka heli karaan.
Ciidamada Ahlu suna ayaa la sheegay inay gudaha u galeen qeybo ka mida magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyadoo xaaladu ay tahay mid kacsan.
Taliyaha Booliiska Guriceel Dhamme Cusmaan Cali Hudeey ayaa xaqiijiiyay in ciidamada taabacsan Ahlusunna ay galeen qaybo ka mid ah magaalada Guriceel, isla markaana ciidamadii maamulka Galmudug ku hareen qeybo kale.
