Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamada ay dowladda Somalia maanta geystay magaaladaasi ay la wareegeen xarumaha muhiimka ah ee caasimada Galmudug.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada gaarka ah ee Booliska dowladda Somalia oo saaka laga duuliyey Muqdisho ay la wareegeen la wareegeen xarumaha ay ka midka yihiin Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb oo ay hore gacanta ugu hayeen ciidamo isku dhaf ah oo laga kala keenay Ahlu suna iyo Galmudug, Madaxtooyada Dhuusamareeb iyo xarunta lagu qabanayo shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliya.
Dhinaca kale waxaa magaalada ka socda abaabul ay wadaan kooxda Ahlu suna ee uu hoggaamiyo Macalin Maxamuud oo ka horjeeda ciidamada la geeyay Dhuusamareeb.