Monday, May 12, 2025

Ciidamadii Cirka Soomaaliya oo dib loo howlgeliyay

Waxaa maanta lagu dhawaaqay in dib loo howlgeliyay  taliskii ciidamada cirka Soomaaliya, waxaana xafiis ciidanki yeelan doono ka xarigga ka jaray wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Jen. Cabdiqaadir Cali Diini.

somali_mig-17_somalia

Xafiiska oo ku yaala saldhigii hore ee ciidamada Cirka Soomaaliya  ee xaafadda Afisiyooni ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu ku howlgeli doono dhismaha ciidamada cirka Soomaaliya oo muddo ka badan 25 sano ka hawada ka maqanaa.

Ad

Furitaaniii xafiiska bilowga ah ee ciidamada Cirka Soomaaliya waxaa ka  hadlay Dable Beylood Maxamuud Sheekh oo sheegey in xarunta la furey ay toos u shaqeyn doonto wixii hadda ka dambeeya ayna u howgeli doonaan sidii ciidamada Cirka dalka dib loogu soo celin lahaa.

Dable Beylood waxa uu sheegey in labadii sano ee lasoo dhaafay ay ku shaqeynayeen mid ka mid ah guryaha saraakiisha ciidamada Cirka, ayna ku faraxsan yihiin in taliskoodii ay dib ugu soo laabteen.

Ciidamada Cirka Soomaaliya ayaa ahaa kuwii ugu horeeyay ee burburay intii ay jirtay dowladii hore ee Soomaaliya, waxaana ciidankani u baahan yahay taageero iyo dhaqaale badan iyadoo ciidamada Badda ee dalka ay weli yihiin kuwo taag iyo tiro yar.

- Advertisement -

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON