War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay ka baxeen degmada Tiyeglow ee Gobolka Bakool.
Ciidamada Itoobiya oo labadii maalmood ee ugu dambeeyay u digay maamulka degmada uma caddeeyay inay ka baxayaan degmada, taasoo keentay walaac iyo cabsi soo wajahday saraakiisha dowladda iyo dadka degaanka.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay dibadda uga baxeen magaalada iyadoo ay hore u sii raaceen, saarkiishii iyo ciidamadii dowladda, maamulka degmada iyo dadweyne fara badan.
Dhinaca kale saraakiisha u shaqeeya hay’adaha samafalka ayaa iyagana ka baxay degmada, waxaana magaalada loo banneeyay Alshabaab oo lagu soo warramayo inay duleedka degmada Tiyeglow hoganayaan ayna isu diyaarinayaan inay la wareegeen magaalada.
Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ayaa Tiyeglow ka qabsaday kooxda Alshabaab bishii Ogost 2014, waxaana laba sano kadib ay xaaladii isu bedeshay in loo banneeyo Alshabaab.
Wadani.com