Waxaa maanta Amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug lagu wareejiyey Ciidamada Nabadsugidda iyo Booliiska dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo ay halkaasi ka dhacday xaflad lagu maamuusay la wareegidda ciidamadaasi ee magaalada.
Ciidanmada maanta lagu wareejiyay sugidda amniga Dhuusamareeb ayaa ka kooban ciidankii hore ee nabad-sugidda iyo booliiska ee Ahlusunna ee dhowaan la diiwaan geliyey, lana qarameeyay, laguna biiriyey ciidamada nabadsugidda NISA iyo Booliiska Soomaaliya.
Munsaanadda waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow, wasiiru dowlayaasha arrimaha gudaha, difaaca iyo howlaha guud iyo madaxa fulinta Galmudug, iyadoo ra’iisal wasaare dardaaran u jeediyey ciidamadaasi.
Ciidamada la wareegay amniga Dhuusmareeb ayuu ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha inay ka shaqeeyaan sugidda amniga caasimada Galmudug iyaga, iyagoo ah ciidamo toos u hoostaga dowladda Smalia, kana amar qaata taliyeyaasha ciidamada dalka, xuquuqdoodana ay u bilaaban doonto bisha hadda socoto ee July.







