Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Daraawiishtii dhowaan loo tababarray Galmudug ay gadoodeen, kana baxeen magaaladaasi.
Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka baxeen xeradii ay ku jireen ee magaalada Dhuusamareeb, kana baxeen magaaladaasi iyadoo kusii jeeda Magaalada Gaalkacyo oo markii hore laga keenay, waxaana saaka lasoo weriyey inay gaareen degaanka Gelinsoor.
Waxay ciidamadu wateen 5 Gaari ookuwa dagaalka oo ay ku jireen qoryaha waaweyn ee Lidka Diyaaradaha, iyagoo ahaa kuwii ugu horeeyay ee Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi uu kasoo xareeyay Gobolka Mudug.
Arrintan ayaa wararku sheegayaan inay ka dambeysay khilaaf u dhaxeeya Wasiirka Amniga Galmudug iyo Xildhibaanada Beesiisa ee kasoo jeeda Gobolka Mudug.
