Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Ciidamadii Mucaaradka oo Aag cusub ka sameystay xaafad u dhow Villa Somalia, kana guuray Goobtii…

    Ciidamadii Mucaaradka oo Aag cusub ka sameystay xaafad u dhow Villa Somalia, kana guuray Goobtii…

    April 27, 2021Updated:April 27, 20212 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamadii ka horjeeday muddo kororsiga madaxweynaha xilka ka dhammaaday ee Maxamed Farmaajo ay ka guureen aagga Madaxtooyadii hore ee C/qaasim iyo inta u dhaxeysa Isgoysyada Trebuunka iyo KM4.

    Ciidamadna oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka iyo hubka culus ayaa xalay xilli dambe dhufeyso ka sameystay oo isku ballaariyey xaafadda Siigaale ee degmada Hodon, waxayna dhinaca ku qabteen ciidamo hore halkaasi u deganaa oo habeen hore qabsaday ilaa Sayidka iyo qeybo ka mida Howlwadaag.

    Ciidamadan oo ay hoggaaminayhaan Jen. Saadaq Joon iyo Yuusuf Indhacadde ayaa tallaabada ay qaadeen lagu sheegay istiraatiijiyad ciidan oo ay ka aag bedesheen xaruntoodii hore, waxaana hadda ay u muuqdaan inay isku fidiyeen degaano cusub.

    Qaar ka mida dadkii deganaa xaafadda Sigaalle, agagaarka Mowlaca Macallin Nuur waxaa ka barakacay dadweynihii deganaa oo cabsi kasoo wajaday dhaqdhaqaaqa ciidamada ka horjeeda Farmaajo.

    Tan iyo xalay waxaa dhaqdhaqaaq ciidan laga dareemayay KM4 iyo Jidka Maka Almukarama oo ay tageen ciidamada dowladda gaar ahaan Haramcad iyo Gorgor, iyadoo saaka ay ciidamada dowladda dib u furen wadadda isku xirta isgoysyada KM4 iyo Trebuunka oo shalay la xiray.

    Cidamada dowladda ayaa galay guryo dhowr ah oo ay ka guureen saraakiisha iyo ciidamada taabacsanaa Yusuf Indha-cadde iyo Saadaq Joon, iyadoo aagaasi ku sugan ilaa saaka aroortii.

    Xaaladda Muqdisho ayaa weli kacsan, waxaana xalay dhinaca Waqooyi ka dhacay banaanbaxyo waaweyn oo looga horjeedo muddo kororsiga uu sameystay Maxamed Farmaajo, halka dhinaca kale ay ka socdeen dhaqdhaqaaqyada ciidan iyo barakac dadka degaankaasi.

    Ciidamada gadoodsan Muddo kororsi Muqdisho Top Xaaladda caasimadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamada dowladda oo weerarray Xarun Warbaahineed oo ka howlgasha Magaalada Muqdisho
    Next Article Barakac ay sababeen ciidamo degay Xaafado u dhow Madaxtooyada oo ka socda magaalada Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo