Wararka laga helayo Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in ciidamadii AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya ay dib uga gurteen degaano ay maanta qabsadeen.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saaka weerar culus ku qaaday degaanada Jannaale, Bariirre iyo degaano kale oo Alshabaab ay hore u heysteen, laakiin waxay dib uga soo laabteen galabta.
Dadka degaanka ayaa sheegay Ciidamada isbahaysanaya ay dib ugu laabteen saldhigaydii ay ka duuleen ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo aan la ogeyn ujeedka weerarka ay qaadeen.
Weerarka ayaa la sheegay inay qeyb ka ahaayeen ciidamo caddaan ah oo la sheegay inay Mareykan ahaayeen.
Wadani