Ciidamo Boolis ah oo loogu talogalay in sugaan ammaanka shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe oo dib u furmaya dhowaan ayaa gaaray magaalada Jowhar.
Ciidamadan oo ka anbabaxay magaalada Muqdisho ayaa lagu wareejiyay taliska magaalada Jowhar. Taliyaha Qeybta Galbeed ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Maxamuud Xuseen Axmed oo ciidamadan hogaaminayay ayaa sheegay inay Jowhar u tageen howlo amni.
Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Shabeelada dhexe Khaliif Cabdule ayaa u mahad celiyay ciidamada cusub ee geeyay Jowhar, isagoo intaas ku daray inay wada shaqeyn doonaan, kana qeyb qaadan doonaan ammaanka magaalada.
Dowladda Soomaaliya iyo IGAD ayaa olole ugu jira in shirka Jowhar dib loo furo, isla markaana degdeg loogu dhiso maamul ay yeeshaan labada gobol, ka hor inta aanay qabsoomin doorashada 2016.
Wadani.com