Ciidamo huwan ah oo ka kooban maamulada Puntland, Galmudug, dowladda Federaalka iyo ciidamo ajnabi ah ayaa isku baheystay weerar ay ku qaadaan kooxda Alshabaab ee ku sugan Gobolka Mudug.
Ciidamadan ayaa isugu tegay degaanka Camaara ee gobolka Mudug, waxayna isugu jiraan Soomaali iyo Ajnabi, waxayna saaka ka baxeen magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.
Dadka aray ciidamad ayaa soo sheegay in ciidamada Soomaalida ah ee tegay Camaara ay ka kooban ciidamada NISA Galmudug, Kumaandoosta Danab ee dowladda Federaalka, PIS-ta Puntland, qaar ka mida ciidamada xoogga dalka iyo Daraawiishta Galmudug, waxaa la socda ciidamo aan la shaacin oo Ajnabi, kuwaasoo wata Gawaari gaashaaman iyo diyaarado dagaal.
Gaadiidka dagaal ayaa lagu qiyaasay in ka badan 30 iyo Gaadiid kale oo isugu jira kuwa sahayda iyo booyado, iyagoo saldhig ka dhigtay degaanka Ceel Cabdi ee u dhow Camaara.
Ciidamdan Huwanta ah ayaa la sheegay in qorshahoodu yahay weerar balaaran oo Alshabaab looga saarayo gobolka Mudug, waxaana xarunta ugu weyn ee Alshabaab ay tahay degmada Xararadheere ee xeebta leh, taasoo muddo dheer ay gacanta ku hayeen.
Waa markii ugu horeysay ee ciidamo intaan la eg ay howlgal wada qaadaan siiba ciidamo ka kala socda maamulada Puntland iyo Galmudug, iyadoo ciidamada Puntland ay u soo gudbeen dhinaca Galmudug.
Wadani.com