Ciidamada Madaxtooyada ee loo yaqaan Koofiyad-guduudka ayaa laga qaaday isgoysyada laga ilaaliyo Madaxtooyada, kadib markii halkaasi lagu xoojiyey kadib qaraxii Axadii ka dhacay Isgoyska Sayidka.
Isgoyska Sayidka ayaa xirnaa kadib qarixii lala beegsaday, waxaana markaas kadib Isgoysyada laga ilaaliyo Madaxtooyadda Soomaaliya la dhigay ciidamo fara badan oo lagu xoojiyey amniga madaxtooyada.
Ciidamadaasi ayaa wararku sheegayaan inay saaka banneeyeen Isgoysyada, waxaana kaliya loo ogolaanayaa inay wadadda hor marta madaxtooyada ay maraan gaadiidka ay wataan saraakiisha dowladda.
Isgoyska sayidka ayaa lagu soo kordhiyay dhisma Biro waaweyn oo lagu celiyo gaadiidka si loogu xoojiyo barta koontaroolka ah ee ciidamada madaxtooyada ilaaliya ku sugan yihiin.