Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka caasimadda ay ka war heleen Miino lagu aasay Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Miinada ayaa lagu aasay Waddada dhinaceeda, iyadoo ciidamada booliska qeybta qaabilsan Miino baarisata iyo Qaraxyada loogu yeeray kadina ay halkaasi ku qarxiyeen miinada, markii laga fogeeyay dadkii ka ag dhowaa.
Guddoomiyaha degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir C/kariin Cali Kaar ayaa sheegay in wax khasaare ah aysan geysan Miinadaasi, laguna guuleystay in la qarxiyo oo dadka laga badbaadiyo.