Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah ayaa weerar rogaal celin ah ku qaaday degaanka Leego oo maleeshiyo ALshabaab ka tirsan aya saaka weerar culus ku qaaden kuna qabsadeen.
Ciidamo gurmad ah oo fara badan ayaa laga diray degaanada Sh/hoose iyo saldhiga Balidoogle oo ciidamo AMISOM iyo kuwa xoogga ay degan yihiin, waxaana dib u bilowday dagaalkii saaka ka qarxay Leego iyadoo la maqlayo hubka culus ee la is weydaasanayo.
Alshabaab ayaa sheegtay inay ciidamo fara badan ka laayeen AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi laakiin AMISOM ayaa sheegtay in dagaalku socdo ayna qasaare badan gaarsiiyeen ALshabaab.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Alshabaab ay uga dhinteen dagaalka in ka badan 20 qof oo intooda badan ahaa is miidaamiyeyaal qaraxyo isku xiray oo xerada orod ku galay iyadoo ay tahay tiradii ugu badneyd ee fal noocan kale ah mar qura fuliya, halka ciidamada AMISOM ay uga dhinteen ilaa 30 askari.
Dhinaca kale guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose C/qaadir Nuur Siidii ayaa xaqiijiyay in Alshabaab ay qafaasheen dad iyo saraakiil badan oo uu ku jiro guddoomiye ku xigeenkii degaanka Leego, iyadoo la waayay guddoomiyhii degaankaasi.
Dadkii Leego ayaa gebi ahaan isaga qaxay markii Alshabaab uga digeen dadkaasi inu weerar ku soo socdo, iyadoo gebi ahaan la bililiqeystay xeradii leego ee ciidamada AMISOM.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]