Taliska ciidamada Dowladda ayaa ka qaaday dhammaan ciidankii Asluubta ee ku sugnaa Barihii koontaroolada ee degmada Xamarweyne, waxaana ay ku wareejisay ciidamo boolis ah ka dib markii dhowr ay rasaaseeyeen masuuliyiin dowladeed.
Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa ciidamo cusub geeyay barihii hubinta ee ciidanka Asluubtu ka joogeen Waddada hormarta kawaanka malayga, Maxkamadaha, Xabsiga dhexe iyo Dekadda weyn waxaana laga qaaday ciidankii horey u joogay.
Ciidankii Asluubta ayaa loo badalay goobo kale oo ku yaalla Muqdisho, waxana dhammaan Kontorooladaasi hadda kadib ilaalin doona ciidanka booliska.
Ciidanka Asluubta ee fadhiyadoodu ahaa Jidka Xeebta ayaa ayaa horay u rasaaseeyay Nabadoono, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubno dowladeed oo kale, waxaana lagu eedeeyay xadgudubyo.
