MISOM ayaa ciidamada Booliska maamulka K/Galbeed u soo gabagabeysay tababar socday muddo 10 Cisho ah oo la siiyey 30 ka mida Ciidanka Booliska oo ka dhacay magaalada Baydhabo.
Cidamada la tababaray ayaa la farsamooyin ay ka mid yihiin hubinta, xakameynta, qabashada, maareynta dembiyada Dadweynaha, ka hor tagga rabshadaha iyo mudaaharaadyada ay wehliso qalalaasaha.
Isu-duwaha Ciidamada Booliska AMISOM ee deegaanada Koonfurta Galbeed Tresphord Kasale, ayaa sheegay in xubnaha tababarka loo soo xiray loo qalabayn doono si wanaagsan, si ay u maareeyaan ammaanka guud, gaar ahaan goobaha dad weynaha ay ku badan yahiin.