Ciidamo Itoobiyaan ah oo cusub ayaa la sheegay inay shalay tageen Guriceel iyo Dhuusamareeb oo ka mida degaanada ay gacanta ku hayaan kooxda Ahlu suna ee Gobolka Galgaduud. Ciidamada Itoobiyaanka oo ahaa kuwo fara badan oo watay gawaari gaashaaman iyo kuwa ciidamada.
Ciidamadan ayaa degay Xerada Xoosh ee Guriceel oo Ciidamada Ahulusunna ay hore u daganaayeen,waxayna ku amreen maleeshiyadii Ahlu suna inay isaga baxaan xeradaasi. Ciidamada Itoobiyaanka ayaa sidoo kale dhinacyo kala duwan ka degeen magaalada Dhuusamareeb.
Lama oga ujeedka ciidamada Itoobiya ee hadda la dejiyay degaanada ay Ahlu suna ee Gobolka Galgaduud, waxaana wararka qaarkood sheegayaan in ciidamadaasi ay ku wajahan yihiin degaanada Alshabaab ee gobolka Galgaduud.
Dhaqdhaqaaqa ciidamada Itoobiyaanka ayaa laga dareemayaa gobolada dhexe iyadoo dhowaan ay la wareegeen degaanka Moqokori inkastoo ay wehliyeen ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowladda Federaalka.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]