Wararka laga helayo magaalada Muqdisho aya sheegay Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed uu ciidamo cusub oo Boolis ah geeyay Saldhigyada degmooyinka Gobolkan Banaadir.
Ciidamadan oo dhowaan tababar loo xiray ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan sugida amniga magaalada Muqdisho, waxaana lagu bilaabay Saldhigyadii ugu horeeyay ee la geeyay ka mida saldhigyada Booliska Wadajir iyo Kaaraan.
Qorshaha Traliska Booliska ayaa ah in ciidamo kala geeyo Degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir, xiil amni darrada caasimadda ay sii socoto oo si joogto ah uga dhacaan falal khaarijin iyo qaraxyo ah.
Dowladda Somalia ayaa si weyn u kordhiyey ciidamada Booliska, muddooyinkii ugu dambeeyay, waxaana la sugayaa isbedelka ay ku keeni karaan amniga caasimadda.