Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay ciidamo geeyeen suuqyada Gobolka Banaadir si ay uga hortagaan ganacsatada kordhineysa sicirka cuntada iyo waxyaabaha muhiimka ah xilligan laga cabsi qabo cudurka Coronavirus.
Waaxda canshuuraha ee Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay ciidamo dhar cad ah diyaariyeen ayna geeyeen dhammaan suuqyada Gobolka Banaadir, iyagoo ka hortegi doona ganacsatada isku dayda inay sicirka ku kordhiyaan shacabka, waxaana la sheegay in ganacsadihii lagu helo arrintaasi sharciga lala tiigsan doono.
Taliyaha Hoggaanka Booliska ee ilaalinta canshuuraha Jenraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidamo la soda ganacsiga dhammaan suuqyada Casimadaayna denbi tahay in qiime kordhin looga faa’iideysto dadwenaha shacabka ah ee ku jira xaaladan adag.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu kulan la yeeshay Ganacstada isagoo kala hadlay xaaladda ka dhalatay cudurka Coronavirus, lagana hortago in sicirka lagu kordhiyo dadka.