Ciidamada Booliska, qeybta denbi baarista ayaa howlgalkii ugu balaarnaa ka fulisay magaalada Muqdisho.
Howlgalkaan oo xalay ka dhacay xaafado ka tirsan Degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir ayaa waxaa si gaara u fuliyey Ciidamamada Booliska Soomaaliyeed, iyagoo bartilmaameedaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Maleeshiyaad ka tirsan Aragagxisada Al shabaab iyo goobo kale oo iyana la tuhmayay inay ku keedsadeen walxo ay amniga Caasimadda ay ku wiiqaan.
Waxaa howlgalka lagu soo qab qabtay xaafadihii howlgalka uu ka dhacay Maleeshiyaadkii la tuhunsanaa iyo agab kale oo amniga lidi ku ah. Howlgalka oo bilowday abaaro 8 Fiidnimo ayaa si nabad galyo ah kusoo gaba gaboobay saqdii dhexe.
Waa howlgalkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo booliska dembi baarista ka fuliyaan Muqdisho iyadoo beegsanaya kooxo lagu tuhunsan yahay Shabaabnimo agabyo ay ka mid yihiin waxyaabaha qarxa.
SAWIRRO