Wararka laga helayo degaanada Puntland ayaa sheegaya ciidamo gadoodka oo ka tirsan maamulka Puntland ay qabsadeen xaruntii Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga ganacsiga magaalada.
Ciidamdan oo ka tirsan tirsan Ciidanka Birmadka dowladda Puntland ayaa saaka la wareegay xaruntii Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga magaalada Qardho, iyagoo shaqaalihii xarumahaasi ku amray inay isaga baxaan xafiisyada.
Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka gadoodsan yihiin mushahar la’aan muddo ka badan saddex bilood, waxayna doonayaan inay cadaadis ku saaraan xukuumadda C/weli Gaas inay degdeg u siiso mushaarkooda.
Waxaa socda waanwaan lagu doonay in askartaasi looga saaro xarumaha ay qabsadeen, iyadoo wakiilo ka socda wasaradda Maaliyadda ay saraakiisha ciidamadaasi u sheegeen in qeyb ahaan la siinayo mushaarka ka maqan, balse ay ku gacan seyreen.