Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn cirka ah oo lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Galmudug.
Ku-xigeenka Duqa Degmada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug C/raxmaan Maxamed Axmed ayaa sheegay in Diyaarado Dagaal oo ay u maleynayaan in Mareykanka uu leeyahay ay Duqeyeen Ciidamada Galmudug ka tirsan oo ku sugnaa Bariga Gobolka Mudug gaar ahaan Aagga Godod.
Duqeynta ayaa waxaa ku dhintay 10 Askari oo Galmudug ah,waxaana ku dhaawacmay Dhowr iyo Toban kale sida uu Kuxigeenka Duqa Degmada Gaalkacyo uu noo sheegay oo caddeeyay inaysan halkaasi joogin wax Shabaabl aysana suragal ahayn in Shabaab halkaasi tago.
Duqeynta waxaa lagu Gubay Gaari nooca Dagaalka ah oo ay leeyihiin Ciidamada Galmudug, waxayna goobta ahayd sida uu sheegay ku xigeenka duqa Galkacyo meel ay isku hor fadhiyaan ciidamada Galmudug iyo kuwa Puntland, basle warbixin khaldan la siiyay Mareykanka.
DHAGEYSO
Wadani.com