Ehelada nin rayid ah oo ka shaqeysan jiray suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ay gurigiisa kala baxeen xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile.
Suldaan Cali C/llaahi Maxamed oo ka mida odayaasha ehelka la ah ninkan ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Alpha Group ee ka tirsan NISA ay ninkan oo lagu magacaabo Cali Cilmi Afrax (Cali Jallaato) ay gurigiisa kala baxeen habeen hore, iyadoo u kaxeystay meel aysan ogeyn.
Ninkan Cali Cilmi Afrax (Cali Jallaato) ayaa la sheegay inuu ahaa nin oday ah oo caan ka ahaa qeybta Cabdalla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha ayaa ah nin sameyn jiray qalabka korontada siiba Mukeyfyada, iyadoo aan la ogeyn sababta gurigiisa loogala baxay iyo cidda dhabta ah ee ka danbeysany.
Suldaan Cali ayaa sheegay inay qeylo dhaan u dirayaan madaxda dowladda federaalka oo ay ku wargeliyeen falka lagula kacay ninkaas shacabka ah, wuxuuna intaas ku daray in xilligii ninkaasi gurigiisa laga kaxeystay ay ciidamadii qafaashay oo watay baabuurta ciidamada ay sawirro ka qaadeen haweeney guriga ku sugneyd.