Howlgalkii habeenkii labaad oo xiriir ah ay ciidamada xasilinta ammaanka caasimadda ka sameeyeen Muqdisho ayaa xalay lagu soo qabtay ciidamo iyo hubkooda.
Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe laga fuliyay xaafado ka tirsan degmada Dharkeynley, waxaana ciidamadu ay galeen guryaha iyadoo baaritaan ka sameeyay isla markaana ku soo qabtay hub iyo rag fara badan.
Dadka howlgalka lagu soo ururiyay oo u badnaa dhalinyaro ayaa intooda badan la fasaxay, waxaana ka mid ahaa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo hubkoodii laga qaaday.
Wararka dadka degaanka laga helay ayaa sheegaya in ciidamada isku dhafka ah ee howlgalka wada ay hubka ay qaadaan isugu geeyaan xarunta xisbiga ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaas lagu amray inay tagaan ciidamada hubkooda looga qaaday howlgalka.
Howlgallada ciidamada xasilinta ammaanka ee Muqdisho ayaa isbedel dhinaca ammaanka ah laga dareemay caasimadda ilaa iyo iminka intii ay socotay bishan Ramadaan, inkastoo ay socdaan falalii khaarijinta dadka.
Wadani