Waxaa Maalintii afraad galay dagaalka ka socda magaalada Cadan ee dalka Yeman oo xarun u ah dowladda la aqoonsan yahay ee dalkaasi, waxaana dagaalku dhex marayaa ciidamada Dowladda ee ilaalada Madaxtooyada iyo ciidamo uu sameeyay Imaaraadka Carabta.
Dagaalka ayaa qarxay Isniintii markii ciidamada Imaaraadku tababarray ee qalabeeyay ay weerar ku qaadeen xarunta Madaxtooyada magaalada Cadan ee loo yaqaan Macaashiiq, iagoo doonaya inay qabsadaan, waxaana shalay oo kaliya dagaalka ku dhintay in ka badan 15 qof oo 8 ka mida ay shacab yihiin markii ay madaafiic ku dhaceen guryahooda.
Dowladda Imaaraadka oo ka mida Isbaheysiga Sacuudiga ee weerarka ku qaaday dalka Yeman ayaa sheegay inay taageerayaan dowladda sharciga ee dalka Yeman oo uu hoggaamiyo madaxweyne Cabdi-Rabi Mansuur oo fadhigiisu yahay dalka Sacuudiga, laakiin waxay muddo sanado ah ku dhistay ciidamo gaaraya 90,000 askari oo iyadoo taageerta Golaha Gooni u goosadka Koonfurta Yeman.
Imaaraadka ayaa dhowaan ciidamadiisa kala baxay inta badan dalka, wuxuuna dalkaasi uga tegay ciidamada uu dhisay oo hadda bilaabay dagaal ay ku qaadayaan ciidamada dowladda Yeman si ay Koonfurta Yeman uga gooyaan waqooyiga, waxaana dalkaasi ka taagnaa dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Yeman, isbaheysiga Sacuudiga oo dhinac ah iyo Xuuthiyiinta.
Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka ka socda magaalada Cadan ayaa sheegaya in ciidamada Imaaraadka taabacsan ay weerar cusub ku qaadeen Madaxtooyada magaalada Cadan, iyadoo uu hadda socdo dagaal xoog leh oo ay ku doonayaan inay ku qabsadaan Qasriga Macaashiiq ee madaxtooyada Cadan.
Q/Midoobay ayaa ka digtay xaaladda bani’aadnimo ee ka taagan magaalada Cadan, waxayna sheegtay in 100kun qof aysan heysan biyo nadiif ah. isla markaana xaaladu ka sii dari doonto.