CCiidamada Itoobiya ee ka mida AMISOM ayaa ku sii jeeda degmada Ceeldheer oo ka mida degaanada ay kooxda Alshabaab gacanta ku heyso gobolka Galgaduud, waxayna warark sheegayaan in ciidamadaasi aanay la socon milateriga dowladda Soomaaliya.
Ciidamada Itoobiyaan ayaa bilowgii toddobaadkan soo galay gobolada dhexe iyadoo markii hore fariiin ka dhigtay Guriceel, kadibna waxay shalay u ruuqaansadeen dhinada degmada Ceeldheer, iaygoo isku diyaarinaya inay qabsadaan degmada Ceeldheer oo muddo dheer ay ka talinayeen kooxda Alshabaab.
Wararka laga helo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah ay dhaqdhaqaaq weyn ka wadaan gobolkaasi iyagoo aan wax iskaashi ah la yeelan ciidamadad dowladda federaalka.
Ciidamada Itoobiya ayaa hore dhowr goor u qabsaday degmada Ceelbuur iyadoo dagaallo qaraar ay ku dhex mareen kooxda Alshabaab oo halkaasi awood ku leh.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]