Qarax Miino oo ah nooca dhulka ayaa ka dhacay degaanka Arbacoow ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaasoo u dhow Saldhig ay AMISOM ku leeyihiin.
Qaraxa ayaa la sheegay in lala beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo ku sii jeeday magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas xoog leh, iyadoo aan la ogeyn qasaaraha gaaray ciidamada AMISOM.
Dadka degaanka ayaa sheegay in qaraxa kadib ay ciidamada halkaasi muddo ku sugnaayeen iyagoo xiray isu socodka dadka iyo gaadiidka ee wadadda isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Alshabaab ayaa si weyn u kordhisay qaraxyada miinooyinka dhulka oo si weyn loola beegsado kolonyada ciidamada AMISOM iyo Ciidamada dowlada Soomaaliya.