Ugu yaraan 14 askeri oo ka tirsan nabad ilaaliyayaasha Qaramada Midoobey ayaa la dilay, 53 kalena waalagu dhaawacay weerar ka dhacay Bariga Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo.
Howlgalka UN ee Monusco ayaa sheegay in ciidamada ay weerar kala kulmeen dablay loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin kooxda ADF ee ku sugan Waqooyiga gobolka Kivu.
Sidoo kale, shan askeri oo ka tirsan kuwa dowladda Dr Congo ee FARDC ayaa weerarka lagu dilay. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres, ayaa dhacdadaasi ku tilmaamay middii ugu xumayd ee ay la kulmaan ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey.
Wuxuu u tacsiyeeyay dowladda Tanzania oo ciidamadaasi ugu deeqday howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ee dalka DR Congo.
Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Congo waxaa muddo sannado ah ka taagan xasillooni darro ay sababeen kooxo isku haysta maamulka deegaano kala duwan.
War qoraal ah oo ka soo baxay howlgalka Qaramada Midoobey ee Monusco ayaa lagu xusay in dableyda mucaaradka ay weerareen xarun ay ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Semuliki.
“Tani waxay ka dhalatay dagaal ay Monusco iyo FARDC la galeen koox loo maleynayo in ay yihiin ADF,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.
Mr Guterres wuxuu muujiyay sida uu “uga careysan yahay weerarka” wuxuuna tacsi u diray ehellada askarta la dilay oo ka soo jeeda Tanzania.
Dablayda ADF ayaa laba askari oo nabad ilaalin ah dilay bishii Oktobar. Qaramada Midoobey waxaa dalka Dr Congo ka jooga illaa 18,000 oo askeri oo nabad ilaaliyayaal ah.
Kooxaha dagaallamaya waxay ku loolamayaan maamulidda kheyraadka dabiiciga ah ee waqooyiga gobolka Kivu, waxayna aalaaba la dagaallamaan ciidamada dowladda iyo kuwa nabad ilaalinta.