Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan dowladda oo marayey degaanka Callamada ee duleedka Muqdisho.
Ciidamada la weerarray ayaa waday gaari kuwa ciidamada ah, waxaana labada dhinac dhex maray dagaal socday muddo daqiiqado ah, iyadoo dadka degaanka ay sheegeen in dagaalkaasi uu dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Ciidamada la weerraray ayaa la sheegay inay ilaalinayeen shaqaalaha dhismaha wadadda Afgooye, waxaana weli la helin qasaaraha dhabta ee weerarku dhaliyey.
LA SOCO FAAHFAAHINTA…