Ciidamo ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya ayaa la geeyay magaalada Gaalkacyo, iyagoo la dejiyay garoonka C/llaahi Yuusuf ee magaaladaasi oo hoos taga maamulka Puntland, sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaaladaasi.
Ciidamadan oo ay tababareen Mareykanka, tiradooduna gaareyso 200 askari ayaan la shaacin ujeedada loo geeyay magaalada Gaalkacyo, waxayna wararka qaar sheegayaan inay qeyb ka yihiin howlgal balaaran oo AMISOM iyo ciidamada dowladda ka fulinayaan gobollada Mudug iyo Galgaduud.
Warar kale ayaa sheegaya ina ciidamadan ay xal u yihiin khilaafkii ka taagnaa Garoonkaasi oo ay isku heysteen labada maamul ee Puntland iyo Galmudug, iyagoo sugi doona ammaanka Garoonka Gaalkacyo.
Ciidamada DANAB ee tegay Gaalkacyo ayaa fariisimo ka sameystay Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, waxaana hakad galay diyaaradihii tegi jiray Garoonka diyaaradaha C/llaahi Yuusuf.
Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhaqdhaqaaqyada ciidamadan xilli madaxda Madasha Qaran shir uga socdo magaalada Muqdisho.
Wadani.com