Cidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka ayaa maanta dagaal ku dhex maray magaalada Muqdisho kadib markii ay isku qabteen arrimo dhul.
Iska hor imaadka ayaa ka dhacay agagaarka xerada 77 iyo haanta dheer, degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, waxayan dadka degaanka maleeshiyo waaxeed ka tirsan isku dhaceen ciidamao milateri ah oo ka tirsan guutada saddexaad oo halkaas ka dhistay Guryo.
Wararka ahaa sheegaya in iska hor imaadka labada dhinac ay laba qof ku dhinteen, saddex kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo dagaalka uu daqiiqado socday uu saameyn ku yeeshay xaafadaha ka ag dhow degaankaasi, iyadoo ay tahay markii afraad ee iska hor imaad dhex maro labada dhinac.