Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo shir jaraa’id galabta ku qabtay xarunta madaxtooyada ee magaalada Garowe ayaa ugu baaqay ciidamada maamulka Puntland inay sii wadaan difaaca dalka iyo dadka ay u dhaarteen.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii la sheegay in ciidamadii Puntland ee ku sugnaa aagga Tukaraq ee Gobolka Sool ay furimaha banneeyeen iyagoo ka horjeeda qaabkii ay u dhacday doorashadii madaxweynaha Puntland oo ay filayeen inay ku soo baxaan musharixiin ahaa saraakiil ka tirsanaa ciidamada.
Gaas ayaa ugu baaqay in ciidamda aysan wax saaameyn ah ku yeelan isbeddelka madaxda Puntland, wuxuuna u sheegay in ciidamada iyo shaqaalaha dowladda aysan u shaqeyn cid gaar ah iyo qabiil ee waajibkoodu yahay inay u shaqeeyaan shacabka Puntland, sida uu yiri.
Wuxuu kaloo ku baaqay in shacabka Puntland inay si buuxda u taageeraan madaxweynaha la doortay iyo kuxigeenkiisa, ayna muujiyaan wadajir iyo midnimo looga gudbo wakhtigan kala guurka ah.
Waxaa degaanada Puntland laga dareemayaa inaan lasoo dhoweyn doorashadii madaxweynaha cusub Siciid C/llaahi Deni.