Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu iska hor imaad magaalada ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.
Dagaalka Ciidamadan dhex maray ayaa ka dhacay isgoyska Soope ee magaalada Muqdisho, wuxuuna ka danbeeyay kadib markii ciidamada NISA ee xasilinta ay Qori ka qaateen mid ka mida ilaalada xarunta Wasaaradaha Tacliinta Sare ee u dhow isgoyska Soope.
Askariga ilaalada xarunta wasaarada Tacliinta sare ayaa isku dayay inuu iska caabiyo ciidamada, waxaana u soo gurmaday ciidamadii kale ee ilaalada xarunta, kuwaasoo is rasaaseyn xoog leh ay dhex martay ciidamada xasilinta ee NISA.
Dadweynihii ku sugnaa wadadda mashquulka badan ee Soope iyo Laami-yaraha ayaa halkaasi ku kala cararray, waxaana joogsaday isu socodka gaadiidka iyadoo rasaasta ay in muddo ah ka socotay halkaasi.