Dowladda Kenya ayaa ka hadashay weerarka Alshabaab ku qaadeen saldhiga ciidamadooda ee ku yaala degaanka Kulbiyow ee Jubbada hoose oo ka tirsan Degmada Badhaadhe ee xuduudka ku taalla.
Saxaafadda Kenya ayaa soo xigatay afhayeenka ciidamada Kenya Col. Paul Njuguna oo sheegay in dagaal culus ka socdo Kulbiyow oo xaaladda aanay weli kala caddeyn, wuxuuna beeniyay sheegashada Alshabaab.
Milateriga Kenya ayaa sheegay inay ciidamo dheeraad ah u diraan degaanka dagaalku ka socdo, kuwaasoo buburiyay laba gaari oo Alshabaab wateen, isla markaana go’doomiyay xerada oo ay ku jiraan Alshabaab sida uu yiri.
Alshabaab ayaa hore u sheegatay inay qabsatay saldhiga Kulbiyow kadib laba weerar oo is miidaamin ahaa iyo weerar toos ah, ayna halkaasi ku dishay in ka badan 57 askari.
Afhayeenka ciidamada Kenya Col. Paul Njuguna ayaa sanad ka hor weerarkii Ceelcade saxaafadda u sheegay inaysan jirin wax qasaare ah oo Alshabaab la iska caabiyay. Wuxuu intaas ku daray inay dib u waabiyeen Alshabaabka weerarka soo qaaday oo ay been tahay in la qabsaday saldhigga Kulbiyow.
Dagaalka warbaahinta ee labada dhinac ayaa xilligan ka weyn xaqiiqada ka jirta degaanka Kulbiyow oo dadka degaanka ay sheegayaan inay arkeen ilaa 29- meyd ah oo askarta Kenya ka tirsan, xeradaasina ay u gacan gashay Alshabaab.
Diyaarad wax basaasta ayaa la sheegay inay ogaatay ciidamada ku soo fool leh xerada, markaasoo madaafiic hoobiyeyaal ah lagu riday, balse taasi ma baajin weerarka weyn ee Alshabaab dhowr jiho uga qaadeen saldhigga.
Wadani.com