Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in ciidamo fara badan la dhigay garoonka diyaaradaha magaaladaasi oo ay ku wajahneyd diyaarad uu la socdeen wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.
Ciidamada milateri ah ayaa la dhigay Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb, kuwaasoo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hub culus, waxaana ay arrintan ka danbeysay markii wafdiga wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliya ay ka duuleen magaalada Muqdisho, lana filayay inay ka degaan magaaladaasi.
Wararka ayaa sheegaya in wafdiga wasiirka Arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye uu ku wajahan yahay magaalada Guriceel, halkaasoo loo wareejiyay diyaaradda wasiirka iyo wafdigiisa, markii ay soo baxday ciidamada la dhigay garoomka magaalada Dhuusamareeb.





