Waxaa magaalada Kismaayo lagu xiray afar askari oo la sheegay inay ka damabeeyeen weerar khaasare dhaliyay oo 19-kii bishaan lagu qaaday Xarunta Taliyaha Ciidamada Booliska magaalada Kismaayo Gaboobe Xassan Barre, weerarkan oo dhaliyay xiisad beeleed iyo xaalad cakiran oo Kismaayo ka oogantay ayaa waxaa ku dhintay hal askari.
Askartan ayaa taageera oo isku jufo yihiin Wasiirka arrimaha Bulshada Jubbland Macalin Maxamed oo ka mid hogaamiye kooxeedyada magaalada Kismaayo ugu awoodda badan xilligan, wuxuuna markii dambe ogolaaday in raggaasi la xiro.
Arrintan ayaa ka dambeysay in kulan gaara oo dhex maray Madaxweynaha Jubbaland Mr Axmed Madoobe iyo Macalin Maxamed oo ku saabsan xiisada magaalada Kismaayo, waxaana la sheegay in Axmed Madoobe uu bixiyay magta sarkaalkii ku dhintay howlgalkii horaantii bishan ay Ciidamada Booliska ku qaadeen Ciidamo ku sugnaa Dhul uu muran ka taagnaa oo dhan 22,000 doolar, waxaana lacagta lagu wareejiyay odayaasha Beesha Colwyahan.
Wadanic.om