Waxaa magaalada Muqdisho weli ku xayiran ciidamo loo diyaariyey Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo la filayey in la geeyo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.
Ciidamadan ayaa wararku sheegayaan in la joojiyay xilli la fileyay shalay inay u duulaan magaalada Dhuusamareeb, kadib markii Madaxa Guud ee Ahlu suna Macalin Maxamuud uu ka hor yimid, isagoo ciidamo u diray Garoonka magaalada Dhuusamareeb si ay uga hortagaan diyaaradaha sida ciidamadaasi.
Qorshaha ciidamadan lagu geynayo magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa watay Ra’iisal wasaare, Kheyre oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, waxaana loogu talogalay inay ilaaliyaan afar xarumood oo ku yaalla magaalada sida xarunta Ra’iisal wasaaraha, garoonka diyaaradaha, xarunta shirarka iyo goobta la dejinayo ergooyinka dib u heshisiinta ee beelaha Galmudug.
Waxaa weli magaalada socda wadahadal muddo dheer qaatay oo lagu xalinayo is-mari waaga soo dhex galay Ra’iisal wasaaraha iyo hoggaaminaya Ahlu suna Macalin Maxamuud oo salka ku haya qodobo uu doonayo inuu ka ansixiyo Ra’iisal wasaaraha, isagoo diidan in magaalada laga bixiyo gacantiisa.
Waxaa jira warar sheegaya in laba diyaaradood oo siday ciidamada loo diyaariyey magaalada Dhuusamareeb oo saaka ku sii jeeday magaaladay Cadaado dib loo soo celiyey, ayna ku laabtaan magaalada Muqdisho, iyadoo aan si rasmi ah weli loo xaqiijin.