Qof ayaa ku dhintay saddex kalena waa lagiu dhaawacay rasaas ay ciidamo kus ugan Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho ku fureen dadweyne bannaanbax isugu soo baxay.
Dadkan oo ka horjeeday maamulka Gobolka Banaadir, metelaad la’aan iyo canshuur badan oo lagu soo rgay ayaa xirtay Isgoyska Siinaay, iyagoo ku dhawaaqayeu ereyo ka dhan ah Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha maamulkaasi Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Qofka ku dhintay rasaasta ay fureen ciidamada dowladda ayaa la sheegay inuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Cali Daahir Dheere (Cali Wasiir), waxaana ku dhaawacmay saddex kale oo shacab ah.
Dadka deegaanka oo ka bannaan-baxayay cabasho ay ka qabaan maamulka Degmada Wardhiigley ayaa sheegay in loo fasaxay bannaanbaxa, kadibna rasaas loo adeegsaday, waxayna rasaasta la furay ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen ciidamada saldhigga Booliska degmada Wardhiigley.